Waxaa Wali si habsami leh uga socda xarunta dhexe ee Guddiga KMG doorashooyinka Puntland diiwaan galinta ururada siyaasadda ee doonaya inay ka qaybgalaan tartanka doorasho qof iyo cod ah, oo ka qabsoonta dowladaha hoose ee Puntland, oo Saacado uun ka hartay waqtigii loo qabtay inay kuso dhamaystiraan shuruudaha iyo formka diiwaan galinta oo ah 15 March 2020, 05:00 Galabnimo.
Fg:- Magacyada ururada siyaasada ee is diiwaan galiyay waxaan so bandhigi doona markii ay dhamaato hubinta buuxinta shuruudaha ururada siyaasada Puntland.

TPEC Puntland
Garowe Office

